Wafdi uu hoggaaminaayo Wasiirka amniga maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe oo uu ka mid yahay guddoomiyaha gobolka Mudug Axmed Xuseen shire Bukhaari ayaa saaka safar dhulkaa ku gaaray furimaha dagaalka ee koonfurta gobolka Mudug.
Wafdiga ayaa booqanaya deegaanada ay ku sugan yihiin Daraawiishta Galmudug, ujeedka socdaalkooda ayaa daaran dardar gelinta howlgalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo dhiiragelinta ciidanka nabad-diidka hurdada u diiday.
Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ayaa u adkeysan waayay hadimada gumeysiga iyo dhibaatada joogtada ah ee argagixisada ku hayaan dadka iyo dalka.