Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo gaaray Baydhabo

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa goordhow gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed.

Waxaana garoonka diyaaradaha ee Shaatigaduud kusoo soo dhoweeyey wasiirka arrimaha gudaha ee Koonfur galbeed mudane Cabdullahi Xaaji Xasan.

Wasiirka ayaa u tegay magaalada Baydhabo u kuur-gelidda xaaladaha kajira deegaanada Koonfur Galbeed.