Hawlgal ka dhan ah Khawaarijta oo abaabulkiisa ka socdo gobolka Bakool

Maamulka gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed iyo Saraakiisha ciidamada ayaa hadal dhiiri-gelin iyo dardaaran isugu jira u jeediyay ciidamo ka tirsan xoogga dalka, kuwa daraawiishta iyo shacab is abaabulay oo isku diyaarinaya dagaalka ka dhanka Khawaarijta Al-shabaab.

Ciidamadan ayaa ujeedkoodu yahay in ay argagixisada Ka xoreeyaan guud ahaan deegaanada gobolka Bakool.

Guddoomiyaha gobolka Bakool Maxamed Cabdi Tool, ayaa ciidamadan u sheegay islamarkaana ku adkeeyey sida lagama maarmaanka u tahay in la dardar geliyo dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta ee ka bilaabanaya deegaanada Koonfur Galbeed gaar ahaan gobolka Bakool.

“ Waxaan rabnaa in kooxahan argagixisada laga dulqaado shacabka,” ayuu yiri guddoomiye Tool.

Ilaa iyo hadda guulo wax ku ool ah ayaa laga gaaray howlgalada ka socda gobolada dalka ee lagu diidan yahay dhagar-qabayaasha Al-shabaab, waxaana maalinba maalinta ka dambeysay jiidaha hore tegaya oo dagaalka ku biiraya shacab Soomaaliyeed oo doonaya in ay ka mira dhaliyaan howlgalada culus ee ka dhanka ah Khawaarijta.