Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa sheegay in argagixada Al-shabaab ee laga xureeyay degmada Cali Guduud ay dhibaato badan ay ku hayeen bulshada ku dhaqan degmadaas, isagoo xusay in dadka ay ka qaadan jireen xoolo baad ah.
Guudlaawe ayaan tilmaamay in argagixisada ay cadow ku yihiin nolosha umadda Soomaaliyeed, dhowaana laga ciribtiri doono deegaanada Hirshabeelle.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa ugu baaqay shacabkii ka barakacay Masaajid Cali Gaduud ina ay dib ugu soo laabtaan, howlgaladuna la sii wadi doono inta argagixisad laga ciribtirayo.