Bukaanada ku jira cisbitaalka Xoogga oo maanta la gaarsiiyay kaalmo xoolo ah

Mamulka Hey’adda Gargaarka Maareynta Masiibooyinka ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga ku wareejiyay 5- halaad oo loogu talo galay bukaanada ciidanka ee ku jira Cisbitaalka Xoogga.

Munaasabaddi gudoonsiinta xoolahaasi oo ka dhacday xarunta cisbitaalka,waxaa ka hadlay Luul Axmed agaasimaha  howlaha Maareynta ee hey’adaasi,iyadoo sheegtay in deeqdaan ay qeyb ka tahay dadaalka loogu jiro dhiirigalinta ciidanka.

Sidoo kale wareejinta deeqdaasi,waxaa ka hadlay Ku simaha Agaasimaha Guud ee wasaaradda  Gaashaandhigga Cali Aadan Xasan

Maamulka Isbitaalka Xooga Dalka ayaa sidoo kale ka hadlay munaasabaddaasi,waxaana xoolaha maanta la guddoomay soo dhiibay wasaaradda Xanaanada Xoolaha.