Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa bishii September ee sanadkaan ansixiyey in la yareeyo ku tiirsanaanta Gaaska Ruushka, waxayna dejiyeen siyaasado iyo qorsheyaal lagu waajahayo arintaan.
Ujeedada ayaa ah in ay helaan xorriyad difaac iyo mid siyaasadeed, waxayna aqbaleen xilli qaboobe aan la isticmaali doonin tamartii hore loo isticmaali jirey, taas oo saameyn ku yeelan doonta nolosha iyo dhaqaalaha dalalkooda.
Badalkeeda, waxay diyaarsanayaan ilo kale oo ay ka heli karaan tamar, sida; Suuqyo kale, Dabeysha, Cadceedda iwm. Qorshahaan ayaa qaadan doona ugu yaraan labo sano, waxayna ka dhigan tahey in ay aqbaleen labo xilli qaboobe oo noloshooda iyo dhaqaalahoodaba saameyn doona.
Soomaaliya, cadowga Khawaarijta ee maanta heysta, haddii aan u midowno oo dhammaan qeybaha Bulshada, Culimo, Aqoonyahan, Haween, Dhalinyaro, siyaasi, iyo dowladba u istaagno sidaan isaga dulqaadi laheyn, waxaa la qiyaasayaa in ay nagu qaadan karto labo sano.
Labadaas sano waxay saameyn ku yeelan doonaan, nolosheena, dhaqaalaheena, iyo siyaasadaba, laakiin, waxay noo dhali doontaa sanado badan oo xorriyad ah, cabsi aan laheyn, nabad ah, hormarna aan u gudbi karno, bini-aadanna aan u ekaan karno.
Soomaaliyeey, labo sano oo xanuun leh iyo Inta nolosheena ka dhimman oo cabsi, diin xumo, xorriyad la’aan, dhac, dil, fool xumo, hormar la’aan ah, teen qaadanaa?
Jihaadka wuxuu Alle u jideeyey, in dulmiga la isaga qaado, nafta iyo sheydaankana la isaga celiyo. Waxa maanta na heystaa waa Khawaarij Nabigeena CSW uu amrey dilkooda, waa Shayaadiin Alle lacnadey aadanahana ku amrey in uu iska celiyo, waa diinlaaweyaal, waa dulmi, waa jahli, waa nolol la’aan, waa hormar la’aan, waana fitno.
Dhammaan sifooyinka ay culimadu siiyeen nabad-diidka Soomaaliya dhibaatada ka wada, waxay noo banneynayaan dhiigooda, waxayna na siinayaan sabab kasta oo aan kula dagaalanno, isagana celino.
Alle oo aan u kaashinno, cibaadadiisa iyo waajibaadkiisa oo aan guddano, dulmiga iyo xadgubka oo aan ka fogaanno, dhaqamada xun iyo daroogada oo aan joojinno, waxay noo dhoweyneysaa guusha dagaalka.
Aan gacanta wada saarno Khawaarijta, waan ka guuleysanaynaa idin Allee.
W/D Col. Dr. Maxamed Aadan Koofi