Maareeyaha Hay’adda Tayodhawrka Soomaaliyeed – Somali Bureau of Standards ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya Maareeyaha Guud ee Hay’adda Tayodhawrka Kenya – Kenya Bureau of Standards (KEBS) – Md. Bernard Njiraini.

Maareeyaha Hay’adda Tayodhawrka Soomaaliyeed – Somali Bureau of Standards – Md. Ali Yasin Gurbe ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya Maareeyaha Guud ee Hay’adda Tayodhawrka Kenya – Kenya Bureau of Standards (KEBS) – Md. Bernard Njiraini.
Labada Maareeye waxay ka wada hadleen muhiimadda ay shacabka labada waddan u leedahay iskaashiga la xidhiidha Tayodhawrka iyo ilaalinta tayada badeecadaha isaga gudbaaya xuduudaha labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Tayodhawrka Kenya Md. Bernard Njiraini ayaa ballanqaaday in ay Hay’adda Tayodhawrka Soomaaliyeed ka taageeri doonaan dhinacyada tababarrada, khibrad-wadaagga iyo horumarinta xirfadda shaqaalaha.
Sida oo kale, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Tayodhawrka Kenya Md. Bernard Njiraini waxa uu ballanqaaday in ay Hay’adda Tayodhawrka Soomaaliyeed kala shaqayn doonaan sidii ay uga mid noqon lahayd Ururka Halbeegyada iyo Jaangoynta ee Bariga Afrika.
Maareeyaha Hay’adda Tayodhawrka Soomaaliyeed Md. Cali Yaasiin Gurbe ayaa dhiggiisa Kenya Md. Bernard Njiraini ugu mahadceliyay soo dhawaynta diirran, sidoo kalena ku casuumay in uu bookhasho ku yimaaddo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, casuumaddaas oo uu aqbalay Maareeyaha Guud ee Hay’adda Tayodhawrka Kenya Md. Bernard Njiraini.