Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa XFS oo Shan neef oo geela iyo deeq lacageed ku wareejisay Hay’adda maareynta Masiibooyinka Qaranka

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS, mudane Xasan Xuseen Maxamed Eeley oo uu wehliyo Wasiir-dowlaha Wasaaradda Xananaada Xoollaha Xildhibaan DR Saleebaan Cali Xuseen ayaa maanta ku wareejiyey $5500 oo dollar iyo 5 neef oo geel ah Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Soomaaliyeed, si ay qeyb uga noqoto gurmadka looga jawaabayo saameynta qaraxyadii Zoobe2.

Deeqdan oo ay iska-aruuriyeen maamulka iyo Shaqaalaha Wasaaradda ayaa loogu talo galay in garab istaag loogu muujiyo ciidanka Xooga dalka iyo dadka Deegaanka ee dagaalka kula jira Khawaarijta iyo dadkii waxyeelada kasoo gaartey qaraxyadii Zoobe2.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa XFS
Xasan Xuseen Maxamed Eelaay
oo goobta ka hadley ayaa sheegey inay ka go’antahay xoojinta dadaallada Dawladda iyo Bulshada Soomaaliyeed ay ugu gurmanayaan dadkii dhibaatada kasoo gaartey qaraxyadii dhacay sabtidii lasoo dhaafey.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa dhankiisa u mahadceliyay masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha wuxuuna tilmaamay in deeqda ay keeneyn ay kuso aaday xiligii ugu habooneyd.