Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Daa’uud Aweys ayaa aanta Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweynay dhakhaatiir iyo deeq dawo ah

Wasiirka Warfaafinta XFS Mudane Daa’uud Aweys “Waxaan maanta Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweynay dhakhaatiir iyo deeq dawo ah oo inooga yimid dalka aanu jaarka iyo wallaalaha nahay ee Jamhuriyadda Djibouti . Wafdiga waxaa horkacayay Wasiirka Waxbarashada ahna Sii- Hayaha Xilka Wasiirka Caafimaadka ee Jamhuriyadda Djibouti Mudane Mustafa Maxamed Maxamuud. Xubnaha Guddiga Gurmadka Qaraxii 29 October ee uu magacaabey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaana soo dhoweeyay wafdiga”.