Wasiirka Caafimaadka XFS oo shir Guddomiyay shir looga tashanaayay arimaha Gurmadka dag-daga Caafimaadka ee la xariira dhibataada qaraxii zoobe2

Wasiirka Caafimaadka ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Dr. Cali xaaji Aadan ayaa maantay shir Guddomiyay shir looga tashanaayay arimaha Gurmadka dag-daga Caafimaadka ee la xariira dhibataada qaraxii KM5 zoobe iyo xaaldaha kale ee mar walba imaan kara.

Kulanka waxaa Wasiirka ku wehliyay Wasiiru-Dowllaha Wasaaradda Caafimaadka Dr Maryan Maxamuud Xuseen iyo sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Mudane Dr. Maxamad xasan Maxamad. Waxaa sidoo kale Kulanka qayb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Abdinasir Mukhtar Ibraahim iyo Dhamaan shaqalaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Lataliyaasha Sare ee Wasaraadda.

Qodobadda muhiimka ah ee ka soo baxay Shirka ku saabsan arimaha Gurmadka dag-daga Caafimaadka ee la xariira dhibataada qaraxii ka dhacay KM5 Zoobe

1. in siwadajir la iskugu xiro hawlaha iskuduwidda ee quseeyo arimaha gurmadka dag-dag ee Caafimaadka haday noqon laheed dhanka Wasaaradda iyo qaybaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya hawlah gurmadka dag-daga ah, sida isbitaalda Guud, kuwa gaarka loo leeyahay , Hay’addaha Amabalaasta qaabilsan ee Bisha cas iyo Amiin Amblance.

2. in ka wasaarad ahaan u diyaar garoowno xal u helida qasraaraha ka dhasha dagaalka lagula jiro aragagaxisadda, iyo sidii loo gaarsiin lahaay gurmad Caafimaad meelaha la xoreeyay

3. Xoojinta iyo balaarinta xarumaha wicitaanka gurmadka Caafimaadka dag-daga ah ee loo yaqaan (Call Center-ka)

4. Xojinta iyo Balaarinta qeybta Gurmadka Gargaarka deg dega iyo ka jawaabidda arimaha xaaladaha Caafimaad ee dag daga ah ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulushad.

5. Waxaa la sameeyay Guddi Dhaqaala aruurin ah oo ka shaqeeyo hawlaha tabarucaada oo heer Wasaaradeed ah, Kaas oo lagu caawinaayo dadka ay saameeyeen dhibaatadda qaraxii KM5 Zoobe.