Madaxweynaha Dowlad-goboleedka koonfur galbeed oo kulan la qaatay safiirka Talyaaniga u jooga Soomaliya

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka kulan kula qaatay Danjiraha Dowladda Taliyaaniga u fadhiya Soomaaliya Alberto Vecchi.

Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Alberto oo kulankooda Saacado qaatay ayey uga wada hadleen Taageerida Howlgalada socda ee lagu Ciribtiraayo Khawaarijta Al-shabaab iyo sidii loo taageeri lahaa wax soo saarka Beeralayda.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay La-Taliyaasha Madaxweynaha iyo Agaasimaha guud Madaxtooyada Koonfur-galbeed.