Wasiirka Arrimaha dibedda XFS oo kulan la qaatay dhigiisa dalka Kuwait

Wasiirka wasaaradda Arrimaha dibedd Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa kulan kula qaatay  caasimadda dalka Algeria ee Algiers, dhigiisa Arrimaha dibedda ee Dawladda Kuwait H.E Sheikh Salem Abdullah Al-Jaber Al-Sabah.
Wasiirka Arrimah dibedda Soomaliya ayaa kala hadlay dhigiisa kuwait sidii Soomaaliya loo garab istaagi lahaa loogana caawin lahaa dhibaatada kooxa khawaariijtu ay ka geysteen magaalada Muqdisho,Cafinta deymanka Soomaaliya lagu leeyahay iyo sida ugu haboon ee Soomaliya uga faa’iidaysan karto kaalmada ay dawladda Kuwait ugu talo gashay horumarinta waxbarashada.
labadda Wasiir ayaa sidoo kale ka wada hadlay adkaynta xiriirka iyo sidii loo sii wadi lahaa iskaashiga dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah,kulanka ayaa waxa wasiirka Arrimaha dibedda Soomaliya ku weheliyey safiirada Soomaaliya u kala fadhiya Masar, Algeria iyo Agaasimaha waaxda Carabta ee wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga