Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Oo Booqday Xarunta howlgallada gurmadka degdegga

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Mudane Axmed Macalim Fiqi, ayaa saaka booqday xarunta howlgallada gurmadka degdegga ah ee ay hirgelisay hey’adda musiibooyinka qaranka kadib Qaraxii Soobe.

Cabdiraxmaan Maxamed Guutaale maamulaha xarunta howlgallada gurmadka degdegga ah oo ugu horreyn wasiirka uga warbixiyey howlaha ilaa hadda ay qabteen ayaa sharaxaad ka bixyey diiwaangelinta ay sameeyeen sida khasaaraha kala duwan ee naf iyo maalba leh, oo ay ku jiraan dhaawacyada, dhimashada, dadka maqan, hantida kala duwan ee baaba’day iyo agoonta.

Dr. Axmed Aadan Cabdi, guddoomiye ku-xigeenka SODMA oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in loo baahanyahay ka qeyqaadashada gurmadka, isaga oo yiri “Waxaan u baahanahay in xaaladda degdegga ah laga qeyb qaato sidii loo gargaari lahaa shacabka”.

Dhankiisa, wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa bogaadiyey shaqada xarunta iyo ahmiyadda ay leedahay, isaga oo soojeediyey in lala shaqeeyo hey’adda maareynta musiibooyinka iyo xarunta gurmadka si ay u helaan xogaha maqan.

Wasiir Fiqi waxaa uu xusay in loo baahan yahay in shacabka istaakuleeyaan, dhanka kalana ay ka feejignaadaan argigixisada jabtay ee u socota aargoosigooda isaga oo yiri “ Si khasaaraha u yaraado waa in lasoo sheego argigixisada, argigixisadu waxaa ay ku faaneen leynta Shacabka Soomaaliyeed, waa in sida tuugada loo qabanayo oo kale in lasoo qabto”.

Ugu dambeyntii wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi waxaa uu xusay in wasaaradda arrimaha gudaha ay hormuud ka tahay dadaallada kala duwan ee gurmadka, waxaa uuna adkeeyey in la ballaariyo howlaha socda, oo dadka oo dhan ay ka qeyb qaataan.

Shaqaalaha Wasaaradda arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta ayaa dhiig u shubay dhaawacyada Qaraxa Soobe, waxaa kale oo ay Wasaaradda uga qeybqaadatay gurmadka $5,000.