Bulshada Dhuusamareeb oo saakay u dareeray Doorashada Xildhibaanada golaha deegaanka

Shacabka ku nool Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta u dareerey Doorashada Xildhibaanada golaha deegaanka oo ay noqoneyso markii ugu horeysay ee Caasimadu yeelato golle deegaan.

Ergo dhan 5-xubnood ayaa kala dooran doonta kursi walba oo gollaha kamid ah, waxaana kursigiiba ku tartamaya labo xubnood.

Wasaradda arrimaha gudaha Galmudug ayaa sheegtay inĀ  Dhuusamareeb tahay degmadii Shanaad ee golle deegaan loo dhisayo, waxaana hore loogu guuleestay Gaalkacyo, Cadaado, Balanballe iyo Caabudwaaq oo howsheedu dhamaad ku dhowdahay.