Dhaqdhaqaaq ganacsi oo dib uga bilowday suuqa xoolaha ee ceelbarde

Roobka deyrta oo ku da’ay deegaanka  ceelberde iyo nawaaxigeeda ayaa sababay in ay soo  laabyaan dhaq dhaqaaqa ganacsiga ee suuqa lagu iibiyo nuuctada xoolaha .

Maxamed Nuur Maxamuud iyo Maxamed Xasan Cali  oo kamid ah dalaalliinta iibiya ariga iyo geela ayaa sheegay in ariga uu yahay  xoolaha igu badan ee lagu kala iibsado suuqaasi.

Dadka ayaa la sheegay in ay ku qanacsan yihiin qiimaha ariga oo la tilmaamay in uu u dhaxeeyo 18-40 doolar,maadaama la soo mareen xiili adag oo ay keeneen abaaraha,sida uu ka dhawaajiyay Nuur Sheekh Aadan Qani waa uu ka mid yahay ganacsatada xoolaha ka iibsata suuqa xoolaha