Madaxweynaha Puntland oo magacaabay taliyaha ciidamadda Booliiska Puntland

Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdulhi Dani ayaa Xeer Lb.77 ku Magacaabay Taliyaha Ciidamda Booliiska Puntland. Waxaana u magacaabay Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland S/Guuto Muumin Cabdi Shire oo horay u ahaa Taliyaha qaybta Booliska Gobalka Mudug.

Madaxwayne Dani ayaa u magacaabay Taliye ku xigeenka Booliska Puntland S/Guuto Cismaan Maxamuud Maxamed oo isna Horay u soo noqday Taliyaha CID da Puntland.