Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Wafdi ka socday Safaarada Mareykanka

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ka socday Safaarada Mareykanka oo Maanta Baydhabo soo gaaray.

Kulan saacado qaatay ayey yeesheen Madaxweyne Laftagareen iyo wafdiga waxana ay kaga hadleen kulankooda Xaalada Dalka oo ugu horeyso Amniga,Abaaraha,Siyaasada iyo Hormarinta adeegyada Dowladda.