Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo soo gaaray Muqdisho.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa goordhow waxaa uu garoonka Aadan Cadde ee caasimadda Muqdisho kusoo dhoweeyey madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen.

Madaxweyne Laftagareen oo u yimid kaqeybgalka madasha wadatashiga qaran ayaa hadal kooban oo uu soo dhoweynta kadib jeediyey sheegay sida ay maamulkiisa uga go’antahay ladagaalanka Al-shabaab iyo in dadka Soomaaliyeed helaan adeegyo dowladeed.

Dhankiisa, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay hortabinaneeda ka mid tahay ladagaalanka Al-shabaab iyo arrimaha xasillinta.

Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta ayaa si weyn ugu diyaargarowday soo dhoweynta dhammaan madaxda maamul goboleedyada iyo wufuudooda oo lagu wado in ay soo gaaraan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.