Dhammaadka Al Qaaciddada Soomaaliya (WARBIXIN)

Waayadaan waxaa soo baxaya warbixinno ku saabsan Argagisada Caalamka,kaasoo ay soo saarto Dowladda Maraykanka, sidaasin awgeed waxaan dul istaageynaa warbixinaddii ugu dambeeyay ee ka soo baxa wadankaasi, taasi oo ay soo saartay Waaxda Difaaca Marykanka ee Pentagonka, waxayna tilmaantay kororoka xad-dhaafka ah ee Argagisada ayaa ku soo beegmaya, iyadoo howlgalka Maraykanka ee ka hortagga Khawaarijta uu ka socdo Dalal badan oo ay Soomaaliya ka mid tahay, waxaana lagu xusay warbixinta in Soomaaliya kororka falalka kooxda Al-shabaab uu gaaray 11% ee dhacdooyinka iyo dhimashada sanadkii la soo dhaafay ee 2021kii.

Maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-qaaidda ayaa fidisay afkaarteeda iyo xiriirka kooxaha kale ee hubeysan, waxayna ku dhiiradeen inay dhaqaale u diraan kooxaha argagixisada ee dagaalada ka wada wadamada Koongo, Musambiik, Nayjeeriya iyo Maali.

Warbixintu waxay kaloo ka hadashay hoos u dhac falalka kooxda argagixisada ee Harada Jaad iyo koror dhexdhexaad ah ee rabshadaha kooxda xag jirka dagaalada ka wada dalka Musambiik, markii qiimeyn lagu sameeyay kororka howlgalada argagixisada intii u dhaxeysay sanadihii 2018-2021-kii.

Dhanka Soomaaliya haddaaan eegno waxaa jira xog ururin laga sameeyay Ajaanibta ku sugan gudaha Dalka, waxayna tilmaantay in aysan jirin cid Kooxda Al-shabaab uga soo biirtay Wadamada kale muddo laba sana ah, waxaana ugu dambeysay Ajaaniib timaada Soomaaliya sanadkii 2020-kii, waana xog rasmi ah oo la xaqiijiyay, iyadoo dagaalada ka socda Gobolada dalka awgood ay ku qasabtay inay ka cararaan inta badan Ajaaniibtii ku sugneyd ee kala barbar dagaalamayay, markii ay soo muuqatay inuu halis ku jirto joogitaankooda Dalka, waxaana soo muuqanaya inay kaga dhammaatay jiritaanka Kooxda argagixsada ah ee Al-shabaab.

Dhinaca kale in kastoo aysan jrin meel u fayoow naafeynta kaabayaasha dhaqaalaha shacabka, hadana waxaa marqaati ma doonta ah kooxdani naf la caariga ah ay xoogga saareyso inay cabsi galiyaan kacdoonka Ummadda ee hubka u qaatay sidii ay dhibaatada lagu hayo isaga dul qaadi lahaayeen, waxayna kooxdani Al-shabaab damacoodu yahay inay burburiyaan kaabayaasha dhaqaalaha iyo isu socodka sida qarxinta Buundooyinka sida tan Buule-burte, danta ugu weyna ay tahay in la naafeeyo Dadka, Dowladnimada iyo Dalka, weerarna ay ku qaadaan meel kasta oo laga danqanayo, tusaale ahaan Buundada Buulo-burte oo isku xirta Magaalada Muqdisho, Gobolada Dhexe iyo kuwa kale.

Kooxdani Qawaarijta ah ayaa horey u burburiyay Ceel-biyoodyo, Guryo deegaan, goobo caafimaad, Taawarada Isgaarsiinta iyo niyad jabinta shacabka, waxaana hadda Dowladdu wadaa dayactirka meelihii ay dhibaateeyeen, waxayna gudagashay sidii meelahaasi loo gaarsiin lahaa adeegyada asaasiga ah ee loogu baahan badan yahay, sida ay xustay Wasaaradda Qorsheynta ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, waxayna caddeysay in meelaha lagala wareego Kooxdea Qawaarijta la gaarsiin doono adeegyada asaasiga u ah nolosha aadanaha, sida Ceelasha biyaha, caafimaadka, saldhig Boolis iyo kuwa la mid ah.

Raiisaul-wasaaraha Xukuumadda Federaala ee Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa yiri:-“Waxaa muuqata in dalka lagu xoreyn karo intii la filayay waqti ka yar. Dagaalka aan khawaarijta kula jirno, dadka ayuu badbaadinayaa, khasaaraha iyo dhimashada dadka Soomaaliyeed ayuu yareynayaaye ma badinayo. Hadii aan dagaal kula jirno shan sano ah, lix sano dagaalka foolka foolka ah inta nooga dhimata iyo inta Soobe kaliya nooga dhimatay hadii la is barbar dhigo, inta Soobe nooga dhimatay ayaa ka badnaan doonta”.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ceceliyay in qorshaha 1aad ee xukuumadda uu yahay sugidda amniga iyo xoreynta dalka, qorshahaasi oo haddii lagu guuleysto horseedaya in dhammaan qorshayaasha kale ee horumarineed la fuliyo, wuxuuna si cad u tilmaamay in dalka uu ku jiro dagaal dhab, dadka Soomaaliyeed-na laga doonayo in yeeshaan dhaqan dad uu dalkoodu dagaal dhab ah ku jiro, dul qaataan oo ka fogaadaan waxyaabaha ay dowladdu mamnuucdo, una hoggaansanaadaan amarrada dowladda ee qeybta ka qaadanaya in guul laga gaaro dagaalka.

Haddaba sida ay wax u socdaan haddii la sii dardargaliyo waxaa muuqanaya dhammaadka Kooxda Qawaarijta ah ee Al-shabaab in la soo gaaray xilligii ay kaga dhammaatay joogitaankoda Soomaaliya, waxaana markaasi la helayaa Soomaaliya oo xasiloon, Ammaan ah, islamarkaana barwaa.