Galmudug oo bogaadisay hawlgalka Ciidanka Xoogga kula wareegeen deegaanka Qaayib

Dowladda goboleedka Galmudug waxay bogaadineysaa howlgalka ciidamada xoogga Dalka, kuwa daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaankaba ay ku xoreeyeen deegaanka Qaayib.

howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah saakay u fuliyeen ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayay si buuxda gacanta ugu dhigeen deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo gabi ahaanba laga xoreeyay kooxaha Argagaxisada ah ee Shabaab.
Qaayiib waa deegaan ay muddo dhib ku hayeen kooxaha argagaxisada ah, halkaas oo u aheyd maxkamad beeneed ay ku dhici jireen hantida dadka shacabka ah.
Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa bogaadiyay ciidamada kala duwan ee Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka, asagoona ku dhiiro geliyay shacabka Galmudug iyo Ciidamada qalabka sida ba in ay sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo deeganada Galmudug.