Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho oo xafiiskiisa kulan kula qaatay Madaxa Hey’adda WHO ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Madaxa Hey’adda WHO ee Soomaaliya Dr. Malik, iyadoona uu goobjoog ka ahaa Agaasinka Waaxda Caafimaadka ee Dowladda Hoose Xamar Mudane Maxamed Maxamuud Caddow.
Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adda WHO. Sidoo kale waxaa looga hadlay dhismaha sheybaar Casri ah oo uu leeyahay Maamulka Gobolka Banaadir iyo ka jawaabista xaaladaha deg dega.