Wasiirka Warfaafinta oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Warfaafinta ee Ururka OIC

Istanbul: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Daud Aweis Jama, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirka 12-aad ee Wasiirada Warfaafinta dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka oo ka dhacaya magaalada Istanbul ee dalka Jamhuriyadda Turkiga.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa kaga warbixiyay xaaladda Somalia iyo dagaalka ay dowladda ku ciribtireyso kooxaha argagixisada ee sida khaldan diinta Islaamka u adeegsanaya. Shirkan ka socda Istanbul ayaa sannadkan waxaa hal ku dhig u ah ‘’ La Dagaalanka Wararka Sida Khaldan Loo Tebiyo iyo  Ka Hortagga Islaam Nacaybka’’.

Wasiirka oo mowduucyadaasi ka hadlayey ayaa sheegay  in dagaalka lagula jiro argagixisada aanu mira dhal noqon karin haddii aan wax laga qaban tebinta wararka khaldan oo dhibaato iyo colaado ka dhex dhalin kara bulshada ku nool dalalka xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC.

Waxaa sidoo kale ui Wasiirku xusay dhaqanka Islaam nacaybka ee dunida ku baahaya loo baahan yahay in la suuliyo, waajibna uu ka saaran yahay dhammaan dalalka kala duwan ee caalamka in la xaqiijiyo jiritaanka nidaam wada noolaansho oo ka caagan is naceybka noocyadiisa kala duwan.

Shirkan 12-aad ee Wasiirada Warfaafinta dalalka ku jira Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa waxaa sannadkan Guddoomiye loo doortay Madaxa Golaha Sare ee Warbaahinta Turkiga Prof Fahrettun Altun, iyadoo Wasiirka Warfaafinta ee Somalia Mudane Daud Aweis Jama uu noqonayo mid ka mid ah saddexda Guddoomiye Ku Xigeen ee Golaha Wasiirada Warfaafinta ee Ururka Iskaashiga Islaamka uu yeelanayo sannadkan.

Wasiirka Warfaafinta ee Somalia, Mudane Daud Aweis Jama ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirka Ganacsiga iyo Warfaafinta ee Boqortooyada Sacuudiga Dr Majid Bin Abdullah Al Kassabi, Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Dr Hissein Brahim Taha iyo diblomaasiyiin kale.

Kulanka kale ayaa waxaa uu Wasiirka Warfaafinta Somalia la yeeshay Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wasiirada Warfaafinta Ururka Iskaashiga Islaamka ahna Madaxa Golaha ugu sareeya Warbaahinta Turkiga, Prof Fahrettun Altun. Kulankaasi ayaa labada dal waxay isku afgarteen inay xoojiyaan iskaashiga dhinaca warbaahinta iyo wacyigelinta ee ka dhexeeya Somalia iyo Turkiga.