Ciidamada xoogga dalka oo dilay horjoogayaal ka tirsan argagixisada Al-shabaab

Ciidamada xoogga dalka ayaa degaanka Moqo-kori ee gobolka Hiiraan ku dilay horjoogayaal ka tirsan nabad-diidka Al-shabaab oo baxsad ahaa.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu dilay Siraad Cumar Gacal oo ahaa horjoogihii dhanka Maaliyadda aragagixisada ugu qaabilsanaa gobolka Hiiraan iyo Deeroow oo isna maleeshiyada u xil saarnaa gobolkaas iyo dhagar qabe kale, oo ilaalo u ahaa.

Sidoo kale, ciidamada ayaa ka soo furtay gaari Noah oo ay wateen, taliyaha ciidamada xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raaage ayaa sheegay in dhowaan dalka oo dhan laga nadiifin doono Khawaarijta.