Ciidamada DF oo deegaano cusub kala wareegay argagixisada

Somali National Army soldiers, some pretending to hold a weapon, take part in a training exercise on March 28, 2013, at the AMISOM Jazeera Training Camp on the outskirts of Mogadishu, Somalia. (Phil Moore/AFP/Getty Images)

Ciidanka xoogga dalka ayaa maanta argagixisada kala wareegay deegaanada Masjid Cali Gaduud iyo Buurdacaar oo ka wada tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay maleeshiyada Al-shabaab muddo sanado ah shacabka ku gumaadayeen.

Afhayeenka maamulka Hirshabeelle Daa’uud Xaaji Cirro oo la hadlay SONNA ayaa xaqiijiyay in ciidamada xoogga oo kaashanaya dadka deegaanka ay si buuxda ula wareegeen deegaanka Masjid Cali Guduud iyo deegaanada kale ee ku xeeran oo argagixisadii ku dhuumaaleysaneysay laga eryay.

Wuxuu sheegay in ciidamada hadda ku sugan yihiin gudaha deegaanka, amnigana uu yahay mid sugan oo ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Waxaa sii xoogeysanaya kacdoonadii Khawaarijta looga soo hor jeedo ee ka socda gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan, waxayna ciidanka jab xooggan gaarsiiyeen nabad-diidka.