Kulan lagu xusayo halyeeyadii ku shahiiday dagaalka argagixisada oo ka socda tiyaatarka qaranka

Waxaa xarunta masraxa qaranka ee magaalada Muqdisho hadda ka socota munaasabad lagu xusayo halyeeyadii ku shahiiday dagaalka lagula jiro argagixisada Al-Shabaab, oo ay ugu horeeyaan Hibaad Cali Dasar iyo Nabadoon Cilmi Hagar Guure.

Labadan halyeey ayaa kala hoggaaminayay kacdoonadii Khawaarijta looga soo hor jeeday ee gobollada Sh/Dhexe iyo Hiiraan, waxaana kulankan ducada ah soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Kulankan ducada ah waxaa ka qeyb galaya ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, wasiirka arrimaha gudaha, xildhibaano, odayaal dhaqameed iyo bulshada qeybaheeda kala duwan, kuwaas oo qiray kaalinta halgamayaasha ka dhiidhiya dhagarta cadowga ummadda Soomaaliyeed.