Dabageed oo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada u tegay Maxaas

Madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Socdaalka, madaxweyne ku-xigeenka oo ay ku weheliyaan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa ku qotoma dar dar gilinta howlgalada lagu baacsanayo argagixisada arxanka daran ee Al-shabaab ee ka socda deegaanada gobolka Hiiraan.