Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxay Billowday Fadhiga Maxkamadaynta Rag loo haysto Dilkii Magaalada Muqdisho loogu geystay Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise Dhaga-Juun.
Goobta Maxkamadda ayaa waxaa ku sugan Saraakiisha sare ee Maxkamadda Ciidamada, Rag loo heysto dilka Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan, ehellada labada dhinac iyo dad kale oo ka qayb galaya fadhiga Maanta ee Maxkamadda.
Dadka loo haysta eedda dilka Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan, ayaa gaaraya Sideed ruux, oo Toddoba kamid ah ay Maxkamadda xaadir ku yahiin, halka midka kalana uu maqanyahay.
Allaha u Naxariistee Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan Cabdixakiim DhagaJuun, ayaa 21-kii Bishii Janaayo ee Sakandan 2021, waxaa uu u geeriyooday Rasaas lagu furay Gaari uu saarnaa oo marayay isgoyska Howl-Wadaag ee magaalada Muqdissho.