Askarigii dilay wasiir Cabaas Siraaji oo xukun dil ah lagu fuliyay

Maxkamadda Ciidamada ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay Axmed Cabdullaahi Cabdi Caydiid oo hore u dilay Wasiirkii Howlaha Guud ee Soomaaliya Alle ha u naxariistee Cabaas Cabdullahi Siraaji.

Bishii May 2017,ayaa maxkamaddu ku ridday xukunka toogashada ah, saaka ayaana lagu fuliyay.

Marxuum wasiir Cabaas ayaa 3-dii bishii May ee sanadkan u dhintay rasaas ay fureen ilaalada hanti-dhowrkii guud ee xilka laga qaaday Dr. Nuur Faarax Jimcaale.