Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFSayaa ka qayb-galay casumaad uu Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed u sameeyay xulka qaranka 17 jirrada ah ee horyaalka bariga iyo bartamaha Afrika.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa ka qayb-galay casumaad uu Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed u sameeyay xulka qaranka 17 jirrada ah ee horyaalka bariga iyo bartamaha Afrika.

Wasiirka Maxamed Barre Maxamuud ayaa Guddoomiyaha degmada ku ammaanay soo dhoweynta heerka sare ah ee uu ku maamuusay xulka qaranka, Macalimiintooda iyo guddigooda farsamada.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa tilmaamay in degmada Kaxdu tahay degmadii ugu horaysay ee dalkeenna Soomaaliyeed ka mid ah ee macsuumad loogu sameeyo xulka qaranka isagoo cadeeyay in koobka la gayn doonno inta badan gobollada dalka.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Mudane Maxamed Yuusuf Maxamed ( Maxamed Yare) ayaa wasiirka iyo xulka qaran uga mahadceliyay sida dhakhsaha leh ee ay uga soo jawaabeen casumaadii degmada Kaxdu codsatay maadaama degmadu ku guulaystay degmada ugu dalxiiska wanaagsan gobolka Banaadir.

Marti qaadka ayaa isugu jiray qado sharaf wasiirka iyo xulka ah, abaal-gudyo la guddoonsiiyay xubnaha xulka, Macalimiintooda iyo guddiga kale ee farsamada waxaana lagu soo gabagabeeyo casariye qurux badan oo lagu wada qaatay beerta Rajo ee degmada Kaxda.