Ciidanka Dowladda iyo kuwo madani ah oo Al-Shabaab kala wareegay deegaanno hoostaga Jowhar

Ciidanka Dowladda iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa kooxaha argagixisada kala wareegay deegaanno kamid ah Gobolka Sh/dhexe ee maamulka Dowlad goboleedka Hirshabeelle

Howlgalkaan oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamka dowladda iyo ciidamo madani ah oo ka socda gobolka ayaa la waregay deegaanada Towfiiq ,Bacaadleey ,Baqdaad,Xaanooleey, Jameeco,Qeyloow,Burdheere iyo kuwo kale oo hoostaga degmada Jowhar.

Howlgalkaan waxaa hoggaaminaayey Maxamed Cali Kalaay iyo Jeylaani Faroole,kuwaas oo codsaday in garab lagu siiyo difaaca gobolka iyo la dagaalanka argagixisada.

Ciidamadaasi wadajirka ah ayaa xiray goobo dhowr ah oo kooxaha nabad diidka ah ay ka fureen biyaha wabiga Shabeelle.