Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii ugu dambeeyay argagixisada ka saaray degaano katirsan gobolka Shabeelaha dhexe.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saacadihii ugu dambeeyay argagixisada ka saaray degaano katirsan gobolka Shabeelaha dhexe.

Howgal ay ka sameeyeen degaanada Warciise, Gaaleef, Jilable, oo hoostaga magaalooyinka Jowhar iyo Raagaceele ee gobolka Shabeelaha dhexe ayay xaqiijiyeen amaanka degaanadaasi iyagoona khaarijiyay ku dhawaad 10 dhagar qabe oo katirsan Burcad diimeedka Al-shabaab sida uu Warbaahinta C.Q.S u sheegay G/le dhexe Dayac Cabdi Cadulle Taliyaha Guutad 17-aad ee kumaandooska Xds Gorgor.