Safiirka Soomaaliya ee dowladda Uganda oo kulan la qaatay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Uganda

Kampala- Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Uganda u fadhiya Danjire Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) ayaa kulan kula qaatay magaalada Kampala ee dalka Uganda Wasiiru-dowlaha arrimaha dibadda dowladda Uganda Mudane Oryem Henry Okello.

Safiirka iyo wasiirka ayaa ka wada hadlay dhowr arrimood ay ka mid tahay xoojinta xariirka labada dal iyo sidii loo dardar galin lahaa  fulinta hishiisyadii dhawaan kala saxiixdeen labada dowladood ee Soomaaliya iyo Uganda.

Sidoo kale safiirka iyo Wasiiru-dowlaha ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in  laga shaqeeyo hishiisyadii lagu balansanaa in dhawaan la saxiixo ee kala ahaa socdaalka, waxbarashada iyo caafimaadka

Safiir Cali Cagabaruur ayaa sidoo kale wasiiru-dowlaha kala hadlay caqabado maalmahan la soo gudboonaaday muwaadiniinta Soomaalida ee Uganda ku nool oo taas oo la xariirtay dhanka hay’adda socdaalka dowladda Uganda. Labada dhinac ayaa isku afgartay dhammaan qodobadii laga hadlay sidii wax looga qaban lahaa.