Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Soomaaliya oo kulan la qaatay wafdi ka socday Hay’adda Socdaalka Aduunka (IOM).

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Hay’adda Socdaalka Aduunka (IOM).

Kulankan uu sidoo kale goobjoog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Caydaruus Macalin Xasan, ayaa waxaa dhanka hey’adda IOM hoggaaminayey David Womble oo ah isu duwe sare xagga mashaariicda, waxaa kale oo ku wehliyey qaar ka tirsan howlwadeennada xafiiska hey’adda ee Soomaaliya.

Inta uu shirka socday arrimaha ay labada dhinac xoogga saareen waxaa ka mid ahaa dagaallada ka dhanka ah cadowga Al-Shabaab, arrimaha xasillinta iyo guud ahaan dib u heshiisiinta.

Wasiirka Wasaaradda arimaha gudaha XFS mudane Axmed Macallim Fiqi oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyey wadashaqeynta ay hey’adda IOM la leedahay wasaaradda iyo guud ahaan xukuumadda, isaga oo intaa raaciyey in ay si dhow ula shaqeyn doonaan.