Kuuriyada Koonfureed oo digniin u dirtay Kuuriyada Waqooyi

Ciidamada Kuuriyada Koonfureed ayaa todobaadkan bilaabay dhoolatus milatari oo taxane ah, kaasi oo ay dhinac socdaan dhaqdhaqaaqyo military.
Taliyaha guud ee ciidamada Kuuriyada Koonfureed, ayaa digniin adag u diray xukuumadda Pyongyang, waxuuna ugu baaqay in ay joojiso Madaafiicda ay ku ridayaan Xeebaha dhaca bariga iyo galbeedka dalkaas.

Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in dhiggeeda Kuuriyada Waqooyi ay gelinkii dambe ee shalay ay madaafiic ku garaacday Xeebaha dhaca bariga iyo galbeedka dalkaas, kuwaasi oo aan la xaqiijin waxyeellada ay geeysteen.

Pyongyang ayaa sheegtay in Gantaallada loogu gol lahaa muujinta kobaca Awoodda Milatari iyo ka jawaabista daraasiin madaafiic ah oo horaantii bishaan ay Seoul ku ridday xadka labada dal.