Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe oo gaaray furinta.

Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe oo wehliyaan Xildhibaan Cusmaan Xaadoole, guddoomiyaha gobolka Shabeellada Dhexe, saraakiil iyo masuuliyiin kale ayaa ku sugan aagaga hore ee gobolka Shabeelada dhaxe.
Masuliyiintaan ayaa furimaha dagaalka ee gobolka shabeelada dhaxe u jooga dhiiri galinta iyo abaabulka dagaalka kooxda Argagixisada ah lagula jiro.
Bulshada deegaannadan oo naawilaayay in laga xoreeyo argagixisada oo dhibaato badan ku haaysay ayaa masuliyiintu waxeey ugu baaqeen inay ka qeyb noqdaan howlgallada oo Ciidamada ku garab-siiyaan soo afjaridda Khawaarijta.