Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda oo tababar u soo xiray Agaasimyaasha Guud ee Wasaaradaha dowladda

Tababarkaan oo ay ka soo wada qeyb-galeen Guddoomiyeyaasha Guddiyada Shaqaalaha Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo khubarro waayo aragnimo u leh arrimaha Maamulka Shaqaalaha.

Agaasimaha Guud ee Guddiga Qaranka Shaqaalaha Rayidka Dowladda ayaa soo Xiray Tababarkan ku saabsan Xeernidaamiyaasha Maamulka Shaqaalaha.

Tababarkaan inta uu socday waxa laga dooday 11 Xeer-nidaamiyaal Maamulka Shaqaalaha kuwaas oo uu daah-furay Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada Dowladda Mudane, Bihi Iman Egeh .

Agaasimayaasha Guud ayaa aragti wadaag iyo dood dheer ka yeeshay sidii loo dhaqan geli lahaa kuwaas wax weyn ka taraya hufnaanta iyo isla xisaabtanka Maamulka Shaqaalaha.

Tababarkaan oo socday muddo laba cesho ayay Agaasimayaasha Guud, Guddiyada Shaqaalaha iyo Khubarrada Shaqaalaha uga hadlayn dhaqangelintooda maaddaama ay yihiin masuulintii ugu sarreysay Maamulka Shaqaalaha Rayidka.