Cuno gargaar oo la gaarsiiyay dad danyar ah oo ku nool Buuhoodle

Ha’yadda wadaniga ah ee Tadamun oo fulinaysa wajiga labaad ee mashruuca gurmadka degdega ah ee lagu caawinayo dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen ayaa howlo gurmad ah ka waddo degmada Buuhoodle ee gobolka Ceyn.

Ha’yadda ayaa u qeybisay 300-Qoys raashin ka kooban Bur, Bariis, Sonkor, Saliid, Baasto iyo Timir, waxaana qoys kasta loo qoondeeyay 70-Kilo gram.

Deeqdan oo ay bixisay dowladda Sacuudiga ayaa waxay u wakiilatay hay’addan si u gaarsiiso dadka u baahan ee abaartu ay saameysay, waxayna hay’addu maalmihii u dambeeyay gargaar isugu jira raashin iyo biyo dhaamis ka waday Gobolada Bari, Sanaag, Sool, Gardafuu, Karkaar, Cayn iyo Mudug.