Guddiga Qaran ee shaqaalaha rayidka dowladda oo maanta tababar muhiim ah furay.

Tababarkaan oo ay ka soo wada wada qeyb-galeen guddoomiyeyaasha guddiyada shaqaalaha maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dowladda federaalka Soomaaliya iyo khubarro waayo aragnimo u leh arrimaha maamulka Shaqaalaha.

Kusimaha guddoomiyaha ahna guddoomiye kuxigeenka guddiga Qaranka shaqaalaha rayidka dowladda iyo agaasimaha gudd ee wasaaradda shaqada ayaa si wadajir ah u furay tababarkan ku saabsan Xeernidaamiyaasha maamulka Shaqaalaha.

Tababarkaan inta uu socdo waxa laga doodi doonaa 11 Xeer-nidaamiyaal Maamulka Shaqaalaha kuwaas oo uu daah-furay Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada Dowladda Mudane, Biixi Iimaam.

Agaasimayaasha guud ayaa aragti wadaag iyo dood dheer ka yeeshay sidii loo dhaqan geli lahaa kuwaas wax weyn ka taraya hufnaanta iyo isla xisaabtanka Maamulka Shaqaalaha.

Tababarkaan oo socon doono muddo laba cesho ayay Agaasimayaasha Guud, Guddiyada Shaqaalaha iyo Khubarrada Shaqaalaha uga hadli doonaan dhaqangelintooda maaddaama ay yihiin masuulintii ugu sarreysay Maamulka Shaqaalaha Rayidka.