Ciidamo uu hoggaaminayo Xildhibaan Xaadoole oo argagixisada kala wareegay deegaano cusub

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa maanta si buuxda kooxd Argagixisada kala wareegay degaanno hoos-yimaada degmada Balcad ee gobalka Shabeellaha dhexe, ka dib howlgalo kooxda lagu afjaraayo oo ay qaadeen.

Degaananda kooxda maanta laga saaray ayaa kala ah Far-barako, Jameeco iyo Damaleey, waxayna hadda ciidamada ku sii jeedaan deegaano kale oo argagixisadu u carartay.

Xildhibaan Cusmaan Xaadoole oo dagaalka hoggaaminaya ayaa SONNA u xaqiijiyay in ciidamada argagixisadu ka saareen deegaanadaas,islamarkaana ku sii wajahan yihiin deegaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha oo nabad-diidka bulshada ku baadaan.

Sidoo kale, Xildhibaanka waxaa howlgalka ku wehelinaya guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Kaaraan, guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda degmada Warsheekh Hiraab Maxamuud Maxamed (Jaakooy),Axmed Nuur Adeerow, guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee degmada Hiliwaa, Maxamed Deeqow Geedoow guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee deegaanka Daarusaalama iyo Saraakiil kale.