Guddoomiye Cali Jeyte iyo mas’uuliyiin kale oo kormeeray furimaha dagaalka

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo aay wehliyaan Xildhibaan Cabdullaahi Sanbaloolshe, Saraakiil ciidan Siyaasiyiin iyo Odayaasha dhaqanka ayaa booqday furimaha dagaalka ee ku dhow degmada Moqokori iyo deegaanka Goobo ee gobolka Hiiraan oo aay ku sugan yihiin ciidanka macawiisleeyda.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ciidamada dib-u-xoreynta deegaanka u ballan qaaday in haddii ay maleeshiyo Al-shabaab ka mid ah soo dilaan uu siin doono lacag dhan  $5,000, sidoo kale, qofkii dhaqar qabe Cali Dheere soo dila ayuu guddoomiye Cali Jeyte u ballan qaaday in uu siin doono lacag dhan $25,000.

Xildhibaan Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa dhankiisa uga mahadceliyay dowladda Soomaaliya taageerada ree Hiiraan la garab taagantahay, waxuuna Macawiisleeyda Hiiraan ugu baaqay  in aay soo dhaweeyaan walaalaha kale ee kusoo biiray dagaalka ka dhanka ah argagixisada ee Hiiraan ka socda.