Ciidamo ka qeyb noqonaya kacdoonka ka dhanka ah nabad-diidka oo ka baxay Muqdisho

Waxaa goor dhow garoonka Aaddan Cadde ka amba-baxay diyaarado sida ciidamo iyo gawaari dagaal oo qeyb ka noqonaya kacdoonka , kuwaas oo kusii jeeda magaalada Beledweyn ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Ciidamadaan oo hordhac u ah kuwo kale oo berri lagu wado in ay gaaraan halkaas ayaa waxaa hoggaaminaya Xil. Jacfar iyo Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik, waxeyna gaari doonaan Maxaas, si ay uga sii gudbaan Wabxo.

Kacdoonka ka dhanka ah argagixisada ayaa xoogeystay, waxayna ciidamada xoogga iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya gaareen deegaano muddo nabad-diidka shacabka ku dhibaateyn jireen.