Ciidanka DF oo argagixisada kala wareegay deegaanka istaraatijiga ah ee Xawaadley

Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa argagixisada Al-shabaab kala wareegay deegaanka istaraatijiga ah ee Xawaadley, iyaga oo ku dilay  in ka badan 30 ka tirsan Argagixisada oo ay ku jiraan saddex horjooge.

Argagixisada qaarkood ayaa la laayay ayagoo ku baxsanaya gaadiid ay xoog uga qaateen dadka shacabka ah, ka dib markii ciidamada dowladda ay jihooyin kala duwan ka galeen deegaankaan, halka  qaarka kalana lagu beegsaday ayagoo isku dayaya inay ciidamada wadooyinka u sii galiyaan Qaraxyo.

Hawlgalka waxaa lagu dilay Horjoogayaasha deegaannada wabiga ku teedsan ee gobolka Shabeelaha Dhexe kuwaas oo kala ahaa:

1, Maadeey Madoobe 2, Xamaali Kalombe 3, Mukhtaar Gabigoor.

Deegaanka Xawaadlay oo qiyaastii 30km u jira magaalada Balcad ayaa ah marin muhiim ah oo ay argagixisada isaga kala gudbi jireen gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, iyo goob ay ka so maleegaan dhibaatooyinka ay u geystaan dadka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda ayaa xoojisay dagaalka ka dhanka ah Argagixisada qatarka ah ku aha nolosha dadka iyo jiritaanka dalka iyo diinta.