Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa dalka Itoobiya kaga qeyb galaya shirka TanaForum, kaas oo inta uu socdo diirada lagu saari doono arrimaha qaaradda Afrika.
Ra’iisal wasaaraha ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadli doono caqabadaha heysta qaaradda Afrika iyo sida loo maareeyn karo.