Wasaaradda ganacsiga XFS oo ganacsatada uga digtay in ay la macaamilaan argagixisada

Wasaarada ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa iyadoo fulineysa amarka dowladda ee ku aadan la dagaalanka argagixisada ee dhanka dhaqaalaha ku amartay dhammaan ganacsatada in aan lala shaqeyn Karin, lala macaamili Karin, islamarkaana wax loo fududeyn Karin, wax dhaqaalo ah loogu yaboobi Karin, awaamiirtooda loo hoggaansami Karin kooxaha argagixisada ee diidan jiritaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Wasaaradda ganacsiga ayaa sheegtay in ciddii ku lug yeelata howlaha sare ku xusan laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqasa, Sidoo kale, wasaaradda waxay qaadeysaa tallaabooyinkan soo socda.