qaabkee looga faa’iideysan karaa kacdoonka shacab ee looga soo horjeedo kooxda al shabaab?

Culimaa’udiinta Soomaaliyeed ayaa si qoto dheer uga hadlay mudnaanta la siinayo in dalka laga xoreeyo argagixisada Al-shabaab oo gumaad joogta ah ku haya shacabka Soomaaliyeed iyo in la dhiir-geliyo kacdoonka shacabka ee ka socda gobolada dalka.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta xukuumadda Soomaaliya Sheekh Muqtaar Roobow ayaa ku booriyay culimada Somaaliyeed in khawaarijta lagala dagaalamo fikirka, isla markaana meel looga soo wada jeesto.

Sidoo kale, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaala “Nimankaan Khawaarijta ah waxay kala sooceen malahan, qof walba dil ayuu ugu xukuman yahay, waa in aan wadajir ula dagaalano oo aan iska xoreyno”.

Sheekh Cabdiqani Qorane, ayaa tilmaamay in Khwaarijta Al-shabaab ay ku kacayaan falal ka baxsan diinta islaamnka,islamarkaana ka sii darayaan loona baahan yahay in meel looga soo wada jeesto.

“Nimankaan Khawaarij waa kasii daran yihiin, diinta ayeyna been ka sheegaan”, ayuu yiri Sheekh Cabdiqani Qorane.

Sheekh Cabduqaadir Soomow ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay joojiyaan dhaqaalaha la siiyo argagixisada oo u suurta geliya in ay joogteeyaan dhagarta ay u maleegayaan shacabka.

” Hantida aad ku bixiso Shabaab, waxaa lagu dhibaateynayaa shacabka Soomaaliyeed, waa in aad maanka ku heysaan in dambiga ugu weyn aad yeelan doonto ” ayuu yiri Sheekh Cabduqaadir Soomow.

Dhankiisa Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in khawaarijta  Islaamka ay kala dagaalameen saddex Shey oo waa weyn.

Culimada Soomaaliyeed oo wehliyaan Wasiirka Diinta iyo Awqaafta iyo Wasiirka ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa si weyn uga dooday qaabka looga faa’ideysan karo kacdoonka shacabka ah ee ka dhanka argagixisada ee ka socda dalka, kaas oo ay hormuud ka tahay Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan kulan wadatshi ah la qaatay culimada Soomaaliyeed, ayaa uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo argagixisada Alshabaab oo gumaad joogta ah ku haya dadka Soomaaliyeed, caqabadna ku ah horumarka dalka.