Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulamo kala duwan la yeeshay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo guddiga gargaarka bani’aadannimada ee Baarlamaanka dalka Jarmalka.
Ergeyga ayaa warbixin ku saabsan xaaladda abaaraha dalka Soomaaliya iyo dagaalka dalka looga xoraynayo argagexisada Al-Shabaab la wadaagay Dowladda Jarmalka, isagoo ku dhiirageliyey in ay kordhiyaan deeqda gargaarka bani’aadannimo ee looga jawaabayo gurmadka abaaraha daran ee dalka ka taagan.
Sidoo kale Ergeyga ayaa si gaar ah Agaasimaha Gargaarka Bani’aadannimada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jarmalka Susanne Fries-Gaier iyo Iyo Hay’adda Bisha Cas ee dalkaas ku boorriyay muhiimadda ay leedahay in Jarmarlku si mug leh uga qeyb qaato bixinta dhaqaalaha loo baahan yahay si loo baajiyo macluul ka dhacda Soomaaliya.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu Xukuumadda Berlin ka codsay in ay Dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed ku garab istaagto halganka dalka looga xoraynayo argagexisada, dhaqaale ahaan iyo u ololeynba, maadaama Jarmalka ka mid yahay deeq-bixiyayaasha ugu wayn ee Soomaaliya iyo dawladaha hoggaanka u haya Midowga Yurub.
Ergeyga ayaa ku guda jira safarro uu ku marayo dalalka dibadda, si uu indhaha caalamka ugu soo jeediyo baaxadda abaaraha ka jira waddanka, wuxuuna diiradda saaray inuu la hadlo warbaahinta adduunka si sare loogu qaado wacyiga iyo xaaladda abaaraha iyo inuu qurba-joogta Soomaaliyeed ku baraarujiyo in ay is abaabulaan si xoognna kaga qeyb qaataan gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen.


