Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa deegaanka Yasooman ee Gobolka Hiiraan ku dilay 50 dhagar qabayaal katirsan nabadiidka Al-shabaab kadib markii ay maleeshiyaadka argagixisada isku dayeen inay weerar ku soo qaadaan degaankaasi.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Warbaahinta qaranka u sheegay in argagixisada jab xoogan la gaarsiiyay islamarkaasna laga dilay 50 dhagar qabe.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray in Ciidanka Xoogga Dalka ay sii baacsnayaan firxadka maleshiyaadka dagaalka saakay lagu jabiyay.

