Wafdi ay hoggaamineyso guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka oo gaartay Buulo burte

Wafti wasiirro iyo xildhibaano isugu jira oo ay hoggaamineeyso ku simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Soomaaliya , Sacdiyo Yaasiin Samatar ayaa gaaray Degmada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan.

Waftiga waxaa sidoo kale ka mid ah Wasiirka Batroolka iyo  Macdanta  XFS, C/risaaq  Maxamed Cumar Wasiirka Haweenka  iyo xaquuqul Insaanka fadaraalka iyo xubno kale.

Waftiga ayaa Buuloburte u tagay sidii loo dhiirri gelin lahaa Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee Kooxda argagixisada Al-shabaab qasaaraha xooggan gaarsiiyay.