Ciidamo loo diyaariyay xorreynta dalka oo ka amba baxay Muqdisho

Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka iyo dadka deegaanka ayaa maanta ka amba baxay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ujeedkoodu yahay xorreynta deegaannada ay heystaan Argagixisada.

Saraakiisha Hoggaamineysa Ciidamada ayaa sheegay in howlgallada u horreeya ka billaabi doonaan Gobolka Shabeellada Dhexe, si Argagaixisada looga sifeeyo deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolkaasi.

Mas’uuliyiin kala duwan oo iyaguna ka hadlay goobta ay ka ambabaxeen Ciidamada ayaa sheegay in kaliya aysan ku hakan doonin gobolada Shabeellada Dhexe, balse sii wadi doonaan howlgalka ilaa Galgaduud iyo Mudug.

Sidoo kale, Ciidamadan ayaa kamid ah Kacdoonka Shacabka ee ka dhanka ah Argagixisada, kaasi oo ka socda gobolada dalka laguna xorreeyay deegaanno muhiim ah.