Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin ku aadan Dhalashada Nabigeena SCW la wadaagay Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku saabsan xuska dhalashada Xabiibkeenna Muxamed nabad-gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee oo todobaadkan ku beegan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay Ahmiyadda gaarka ah ee Bulshada Muslimiinta u leedahay maanta oo ku beegan Dhalashada Nabigeena Sallaalahu Caleyhi Wasalam.

“Dadka Soomaaliyeed waxa aan ugu hambalyeeynaya Dhalashada Rasuulkeena Muxamed SCW oo maanta ku beegan, runtii maanta oo kale waa maalin xasuus mudan, walaalaha fahansan Taariikh Nabigeena, kuwa kale ha baraan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.